Cambaarta

0
1040

Cambaarta waxey kamid tahay caabuqyada ku dhaca maqaarka, waxay caan ku tahay jaan maqaarka kamid ah oo guduud/casaan noqota, biyo gala maqaarka, iyo cuncun lagu dhiiranayo in la xoqo. Caruurta yar yar ayaa ugu badan dadka la kulma xaaladaan caafimaad. Caabuqaan waxuu yimaadaa marka difaaca jirku uu la dagaalamo waxyaabo aan jirka dhib ku hayn taasoo keenta in difaacu uu kabadbadiyo ka hortaga shayga aan dhibaatada lahayn.

Maxaa sababa:

Inta badan xanuunkaan waxaa sababa difaaca jirka oo si aan caadi ahayn uga jawaaba shay aan dhib weyn maqaarka u lahayn taas ayaana keentay calaamadaha aan kor kusoo xusnay, waxyaabaha kale ee sababa xanuunkaan waxaa kamid ah silisyada la gashado qoorta dhagaha iyo fargashiga, jiinyeerka ama badhanka saraawiisha ee taabanaya maqaarka, waxyaabaha la isku carfiyo sida barafuunada qaar oo qofka xasaasiyad ku keena iyo kareemada qaarkoodba.

Calaamadaha cambaarta lagu garto waxaa kamid ah, maqaarka oo qaybi casaan ama gaduud noqoto, dareen gubasho ah ama xanuun iyo kulayl isagu jirta oo laga dareemo jaanta casaatay, inay adkaato, qolofowdo ama biyo galaan , finan kasoo baxa goobta iyo dilaac aan toos ahayn oo lagu arko meesha waxyeelowday ayaa lagu arkaa dadka la kulmay xaaladan caafimaad oo ay ugu badan yihiin caruurtu.

Daawada:

Cambaarta malahan daawo rasmi ah oo lagu dabargoyn karo balse waa marxalad lamaarayn karo, waxaa lagama maarmaan ah in la iska ilaaliyo wax yaabaha keenaya xasaasiyada maqaarka taasoo yarayn karta jaaniska uu xanuunkan ku dhici karo. Biyo diiran/qandaca oo badan ayaa lagu dhaqaa meesha waxyeelowda waxaana lamariyaa kareemo khaas ah oo dhaktar kuu qorey si ay u u dayactiranto meesha maqaarka ee casaatay. Hadii calaamadan aysan keenayn wax cuncun ah ama uu qofku dhibsanayo wax daaweyn ah uma baahna ee waxay ubaahan tahay daryeel uu qofku ugu roonaado jidhkiisa. Hadii calaamaduhu ay yihiin kuwo uu dhibsanayo qofku waxaa muhiim ah inuu booqdo dhakhtar bartay maqaarka si uu ugala tashado marxaladan.

Talo:

Kafagow wax yaabaha aad ku qabto xasaasiyada, waxay yaraynaysaa jaaniska aad ku heli karto xasaasiyada ku dhacda maqaarka ee cambaarta ay ka mid tahay, hadii aad isku aragto cuncun ha xoqin jidhka ee booqo dhakhtar sida ugu dhaqsiyaha badan, xoqidda waxay uga sii darataa meesha, waxeyna keeneysaa in qaybo badan oo seelasha kamid ah ay dhaawacmaan.