Muqdisho(INO)— Dr. Cismaan Max’uud Dufle oo ka tirsan dhaqaatiirta Soomaaliyeed, Barrena ka ah Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir ayaa ka hadlay dhibaatada cudurka Soomaalidu u taqaano Kaduudiye oo mudooyinkan fara ba’an ku haya shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.
Dhaqtarka ayaa si faahfaahsan uga hadlay taariikhda cudurkan, siyaabaha loo kala qaado, habka looga hortago iyo daweyntiisa, isagoo talooyin muhiim ah oo cudurkan ku saabsan u jeediyey bulshada Soomaaliyeed.
“Cudurka kaduudiyaha ama loo yaqaano (Chikungunya Fever) waa cudur ku baahsan adduunyada oo safmar yeesha (Outbreak), Wuxuu ku badan yahay waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya, Koonfur Bari Aasiya, Latin Amerika, degaannada ku teedsan badweynta hindiya iyo baasifikada” ayuu yiri Prof. Dufle.
Waxaa uu intaa ku daray dhaqtarku in markii ugu horeysay lagu arkay cudurkan dalalka Bariga Afrika sanadihii 1952-1953, wuxuuna xusay in magaca cudurkan ee (Chikungunya) ay ka dhigan tahay macno ahaan (Qallooc u socod) taasoo tilmaameysa buu yiri bukaanka xaaladda markaas uu ku sugan yahay.
Markii ugu horeysey cudurkan kaduudiyaha ayuu sheegay Dr. Dufle in lagu arkay Somalia sanadkii 2005 wuxuuna tilmaamay in cudurkan ay isku eg yihiin Cudurka (Dengue Fever) oo aad ugu dhow calaamooyinkiisa.
“Cudur-dhaliyaha Fayruska Chikungunya inuu yahay waxaa lagu cadeeyey dad qabay waqtigaas 2005 oo dhiig-baaris ay ka qaadday hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO, sidoo kale dhalinyaro waqtigaas ka timid Mareykanka kaddibna ku laabatay ayaa markii ay baartay xarunta CDC ee Atlanta waxaa laga helay Fayruska Chikungunya” ayuu yiri dhaqtarka.
Waxaa uu intaa ku daray in cudurkan ay kala gudbiso nooc ka mid ah kaneecada oo loo yaqaanno (Aedes aegypti) ka dib marka ay qaniinto qof qaba cudurkii ama Fayruskii iyadoo u gudbisa qof fayow ayuu yiri Dufle, wuxuuna xusay in xilliga uu Fayrusku galo dhiigga illaa ay ka soo baxayaan calaamadihiisa ay qaadaneyso muddo 3 ilaa 7 cisho ah.
Calaamadaha cudurkan waxaa ugu horeeya qandho aad u xooggan oo illaa iyo 40 heer kulkeedu gaari karo, Xubno xanuun, Dhabar xanuun, Madax xanuun, murqo xanuun, barar kala goysyada ah, qanjiro barar, nabaro yaryar oo jirka oo dhan ka soo yaaca (Rash) cuntada oo qofka qaadi kari waayo, daal badan, mararka qaar labbo-labbo iyo matag ayaa la socda” ayuu yiri Prof. Dufle.
Calaamadahan ayuu sheegay dhaqtarku iney xooggoodu jiri karaan 3 illaa 7 maalmood, intaa ka dibna waxaa uu xusay in bukaanku ka soo bogsanayo cudurka Waxaa dhici karta ayuu yiri in dadka qaar, gaar ahaan kuwa da’da ah in xanuunkii iyo bararkii kala goysyada ay sii jiri karaan muddo usbuuc illaa laba usbuuc ah ama ka sii badan isagoo tilmaamay in cudurkan uusan inta badan aheyn dilaa balse uu qofka dhowr maalmood howlgab ka dhigo.
Dr. Cismaan Dufle ayaa xusay in Cudurka Chikungunya ama kaduudiyaha wax ka hortag tallaal ah uusan laheyn, balse ka hortagga ugu wanagsan uu yahay in la iska ilaaliyo qaniinyada kaneecada cudurka ama Fayruska iskugu gudbisa dadka.
“Waxaa loo baahan yahay in dabeyl badan lagu furo guriga iyadoo dariishada loo furayo ama marwaxada dabeysha ama qaboojiyaha (AC-ga) si guriga gudihiisa looga fogeeyo kaneecada Waxaa kaloo loo isticmaali karaa sunta kaneecada sida DEET, iwm, waxaa muhiim ah in goobaha biyo-fadhiisadka leh sida balliyada iyo barkadaha ee kaneecadu ka dhalato ama qashin qubyada la nadiifiyo laguna shubo sunta dileysa ukumaha kaneecada. Waxaa kaloo muhim ah in bulshada deegaanka hawshaas u kacdo si looga hortago in cudurkii saf mar joogto ah u yeesho” ayuu intaa ku daray Dhaqtarka oo xusay in loo baahan yahay in la xirto dhar lugaha iyo gacmahaba daboola si looga gaashaanto qaniinyada kaneecada.
“Daawada cudurkan waa nasasho, biyo badan oo la cabo iyo kaniiniga qandho-jebiyaha oo la cuno marka qandho xoog badan ay jirto, Waxaan bulshada u sheegayaa dadka cudurada kala duwan qaba sida dhiig-karka, sokorta, kelya-xanuunka, beer-xanuunka, ama cudurada feeraha sida TB-da iwm inaysan joojin daawada ay qaataan haddii uu kaduudiye haleelo sidoodana u sii wataan, sidoo kale qofkii xanuun la soo darso daawada cudurka markaas hayana loo qoray waa inuu qaataa; taas waxaan ugu gol leeyahay inaan caddeeyo in uusan jirin fikirka waayahan soo kordhay ee bulshada qaarkood aamineen oo ah in wax dawo aan la qaadan karin, mar kale arintaas waa fikir qaldan xaqiiqdana ka fog isla markaana bulshadeena aan ka wacyigelineyno” ayuu hadalkiisa ku soo gebageebeyey Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo dhinaca kale xildhibaan gudoomiye ka ah guddiga adeega bulshada ee baarlamanka Somalia.
Hadalka Dr. Dufle ayaa ku soo aadaya xili dad fara badan oo ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood ay la ildaran yihiin cudurkan kaduudiyaha loo bixiyey oo Soomaalidu aysan wax badan ka fahamsaneyn, waxaana cudurkan uu maalin walba soo ritaa dad fara badan.