Labada Kuuriya oo dib u soo celiyey isticmaalka khadkii taleefoonada

0
242

Idalenews (INO)-Kuuriyada Woqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa dib u soo celiyey isticmaalka isgaarsiinta ee khadka taleefoonada,iyagoo  isweydaarsaday wadahadaladoodii ugu horreeyay tan iyo bishii Ogosto.

Wasaaradda mideynta Seoul ayaa saaka oo  Isniin ah xaqiijisay in mas’uuliyiinta labada Kuuriya ay isweydaarsadeen taleefankoodii ugu horreeyay tan iyo bishii Ogosto.

Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo uun ka dib markii walaac caalami ah laga muujiyay tijaabooyin gantaal oo ee dhinaca Kuuriyada Woqooyi, taasoo dhalisay in kulan degdeg ah ay yeeshaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

.Magaalada Washington, afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegay inay si weyn u taageersan yihiin iskaashiga ka dhexeeya laba Kuuriya, wuxuuna ku tilmaamay khadadka taleefanada ee dib loo soo celiyay mid abuuraya jawi xasillooni oo ka hanaqaada gobolka