Xulka Dalka Ivory Coast Oo ku Guuleysatay Koobka Qaramada Afrika

0
193

Muqdisho(INO)-Xulka kubadda cagta Ivory Coast ayaa xalay ku guuleystay koobka Qaramada Afrika kadib markii uu rigooreyaal 9-8 ah kaga badiyay Xulka Ghana ciyaar ka dhacday magaalada Bata ee dalka Equatorial Guinea.

ivory
Ciyaarta ayaa ku dhammaatay gool la’aan 120 daqiiqo oo la ciyaaray, taas oo keentay in rigooreyaal lagu kala baxo finalkii toddobaad oo isku xiga oo koobkan ah.
Waa markii labaad oo ay Ivory Coast ku guuleysato koobkan, iyadoo horey 1992-kii rigooreyaal 11-10 ah kaga badisay isla dalka xalay ay ka badiyeen ee Ghana.
Herve Renard oo ah macallinka xulka Ivory Coast una dhashay dalka France, ayaa noqday macallinkii ugu horreeyay oo laba dal oo kala duwan koobkan kula guuleysta kadib markii uu 2012-kii koobkan u qaaday xulka Zambia oo rigooreyaal kaga badiyay xulka Ivory Coast.
Koobka oo aheyd markii 3o-aad oo la qabto, ayaa waxaa ka qeyb-galay 16 dal, waxaana kaalinta seddexaad ka galay xulka Congo DR oo xalay rigooreyaal 4-2 ah kaga badiyay marti-geliyeyaasha Equatorial Guinea.

Idale News Online, Muqdisho.