Muqdisho(INO)-Wasaaradaha Arimaha gudaha iyo Federaalka oo ka hadashay Dagaal beeleedyada ku soo noq-noqday Gobolka Hiiraan, ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada Gobolka kusoo noq-noqday,islamarkaana Wasaarada ay aad uga xun tahay colaada Gobolkaasi ka taagan.
Afhayeenka Wasaarada Arimaha gudaha iyo Federaalka C/fataax Daahir Mire ayaa sheegay in Odayaasha iyo dadka Gobolkaasi kasoo jeeda laga rabo inay ka shaqeeyaan nabadda oo ay meel uga soo wada jeestaan colaada Gobolka.
Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagan colaado kala duwan oo udhaxeysa Maleeshiyo beeleed Gobolkaasi ku dagaalamaya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay doorkeeda kaga aadan joojinta dagaaladaasi, marka laga reebo in Dowladda Warbaahinta kaliya ay baaq ka jeediso.
Idale News Online, Muqdisho.