Sweden(INO)-Gabar Soomaali oo ku nool dalka Sweden ayaa waxaa la sheegay inuu dhaawac halis ah oo nafsadeedana halis galiyey uu ka soo gaarey dab ka kacay raashin ay karineysay iyadoona gabadhaas ay si xun uga gubatey wajiga , gacmaha iyo qoorta.
Halkan Ka Daawo.
Gabadhaan Soomaalida oo lagu magacaabo Muna Cabadiraxmaan Axmed oo ku nool magaalada Lövånger ee dalkaas Sweden ayaa waxaa la sheegay inay Saliid saaratey dabka si ay u kariso raashin laakiinse saliidii ayey ku iloowday dabka ay saarneyd taas oo keentay inay digsigii uu ku ololey dabkaas, Muna oo ku naxday arintaas ayaa waxay si deg deg ah ugu shubtey saliidii gubaneysay biyo arintaas oo keentay inuu qarax dab iyo olol ah oo baxad weyn inay ka dhalato halkaas taas oo keentay inay gabadhaas ay ku gabato halkaas oo ayna dhaawac halis ah uu ka soo gaaro Wajiga, gacmaha iyo dhuunta ama qoorta, Gabadhaas ayaa intaas ka dib waxay u soo carartey banaanka halkaas oo ay dadka deriska ah ay ku caawiyeen uguna yeereen Ambalasta iyadoona loola cararey isbitaalka.
Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas Soomaaliyeed ay hada ka soo kabaneyso dhaawacii ka soo gaarey dabkaas ka dib markii qaliin fara badan loogu sameeyey isbitaal ku yaala magaalada Uppsala, islamarkaana qeybo ka mid ah jirkeeda la soo jarey oo loogu kabay meelihii ay sida xun ay uga gubatey ayaa waxay gabadhaasi sheegtay inay ogeyd halista ay leedahay saliid gubaneyso in biyo lagu sii shubo laakiin waqtigaas ay arintaas maskaxddeeda ka baxday, Sidoo kale ayey gabadhaas waxay sheegtay in gabar yar oo dhashay oo lagu magacaabo Mihiim ay u qaadatey inay hooyadeed ay dhimatey marka ay aragtey waxa ku dhacay, Gabadhaan oo wali ku nool gurigii ay ku gubatey ayaa waxay sheegtay inay arintaas ku reebeyso xasuus iyo murugo joogto islamarkaana ay ku adag tahay inay si caadi ah ay u seexato.
Idale News Online, Sweden.