Wasiirka arrimaha dibadda isla markaana ah af hayeenka Xukuumadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka war bixiyay qaraxii maalinimadii sabtidii ay soo dhaafnay ka dhacay magaalada Jabuuti
Wasiirka ayaa ka hadlay baaritaano ay ku sameeyeen dadkii ka dambeeyay qaraxaas iyo halka ay ka soo jeedaan in kastoo wasiirku ka gaabsaday inuu carabka ku dhufto halka ay ka soo jeedaan
Maxamuud Cali Yuusuf wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa sheegay in baaritaankaas ay ka kaashadeen Khubaro ka socotay dalalka Maraykanka iyo Faransiiska isagoona hoosta ka xarriiqay in baaritaankaasi natiijo wax ku ool ah ka soo baxday.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xaqiijiyay in wixii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay magaalada Jabuuti ammaanka Badda, iyo beriga aad loo adkeeyay iyadoona la sameeyay baro kontorool ee lagala soconaya dhaq dhaqaaqa ammaanka Dalka.
Ugu dambayntii ayuu wasiirku shaaciyay in heegan buuxa la galiyay ciidamada Jabuuti kuwaasoo ka hor tagaya fal kasta oo wax loogu dhimaayo ammaanka Dalka.
Si kastaba Xarakada Shabaab ayaa sheegtay in qaraxii ka dhacay magaalada Jabuuti in iyagu ay ka dambeeyeen in kastoo mas’uuliyiin ka tirsan Dalkaasi ay Shabaab ku eedeeyeen cadowtinimada ay u hayaan dalalka kaalmeynaya Dawladda Soomaaliyeed.
Idale News Online, Jabuuti.