Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si xoogan u cambaareeyay dilkii xildhibaan, Maxamed Maxamuud Xayd oo Khamiis shalay ahayd loogu geystay Muqdisho, dilkaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.
Weerarkan oo ka dhacay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ayaa lagu dilay xildhibaan Xayd iyo askari ilaalo u ahaa, iyadoo lagu dhaawacay xildhibaan C/llaahi Axmed Coonka iyo ruux kale oo ka mid ahaa shaqaalaha rayidka ah ee baarlamaanka Soomaaliya.
Xubnaha Golaha ammaanka ayaa hadalkooda ku sheegay inay aad uga ar-gagaxeen sida aan gaabiska lahayn ee kooxda Al-shabaab ay u beegsnayso xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo matala shacabka Soomaaliyeed una taagan inay Soomaaliya gaarsiiyaan, nabadgalyo, deggenaasho, mustaqbal wanaagsan iyo dimuqraadiyad.
Sidoo kale, xubnaha ayaa sheegay in falalka argagaxiso ee noocan oo kale ah ay yihiin kuwo khatar weyn ku ah nabadgalyada iyo ammaanka caalamka oo dhan, iyagoo xusay in falalka argagaxisada ay yihiin kuwo aan sinnaba loo ogolaan karin inay sii socdaan.
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in si wadajir ah looga hortago falalka argagaxiso, iyadoo la raacayo sharciyada uga dagsan falalkan golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Idale News Online, New York.