1. Beesha Habar Gidir Gobolka Sh/hoose aniga ayaa iska leh maxaa yeeley waxaa gobolka iiga geeriyootey 5,000 oo qof, beerihii mooka ee talyaaniga aniga ayaa xoog ku qabsadey,
Beeraleyda yer yer waxaan ka xertey kanaalada waraabka, 20-kii sano ee la soo dhaafey waxaan ka hor istaagey inay beerahooda waraabsadaan, baabuurta gobolka ka shaqeysa iyo kuwa rashiinka qaadaba aniga ayaa iska leh, baabuurta dadka deegaanka waan u diidey inay gobolka ka shaqeystaan, canshuurta gobolka 20-kii sano ee la soo dhaafey aniga ayaa qaadanayey, waxaan gobolka ku lahaa 300 oo isbaaro oo aan dadka ku dhibaateynayey, dhamaan hay’adaha samafalka iyo kuwa horu marinta ee gobolka ka shaqeeya iniga ayaa xoog ku heystey, waxaan gobolka ku guursadey 1,000 gabdhood oo dadka deegaanka ah jilac iyo jareerba leh, waxaana gobolka iigu dhalatey 3,000 oo caruur ah, gobolkana waxaan deganaa 24-kii sano ee la soo dhaafey,
Sidaas darteed gobolka Sh/hoose:
Ø Habar gidir ayaa kow ah, Digil ayaa labo ah, Biyo maal ayaa sedex ah, inta kale way ka sii dambeeyaan.
2. Beesha Abgaal Gobolka Sh/hoose aniga ayaa iska leh maxaa yeeley markii aan gobolka imaanayey xoog ayaan ku soo galey aniga oo daaqsanaya LO’ guduudeyda iyo Arigeyga, waxaan si xoog ah xoolahayga u daajinayey dad beerahooda, waxaan si xoog ah gobolka uga qotey 110 war biyood iyo 99 ceel gacmeed, waxaan xoog ku deegaansadey 110 meelood laga bilaabo (WARMAXAN) ilaa meesha ugu dambeysa gobolka Sh/hoose ee (KUUNYA BAROW), markii aan gobolka degayey waxaan la dagaalamey beelo Digil ah sida GARRE iyo TUNNI, waxaan gobolka dhexdiisa ku faraxumeeyey haween badan,
Sidaas darteed Gobolka Sh/hoose:
Ø Abgaal ayaa kow ah, Digil ayaa labo ah, Biyo maal ayaa sedex ah, inta kale way ka sii dambeeyaan.
3. Beesha Murusade Gobolka Sh/hoose aniga ayaa iska leh maxaa yeeley aniga mar hore ayaaba dad ii degenaa gobolka, waxaana dadka gobolka ka gatey in ka badan 20,000 oo Hectare oo dhul beereed ah, aniga lacagteyda ayaan isticmaaley markii aan gobolka isku fidinayey, waxaana horey u deganaa deegaanadaGALAANGALE, DOON-DHEERE, AFARTA BUULO, CEEL AFWEYN, GARASRAADIYE, LAMA YAAQ,, CEEL QUDOW iyo kuwo kale, sidoo kale markii baardheere la waareerarayey 1832-dii dadka cambuureyda la dhihi jirey RATIGII TACDAADA lagu qaadey aniga ayaa dhiibey duulaankana waan ka qeyb qaatey, agina gobolka dhexdiisa isbaarana ma dhigan, naagna kuma kufsan,
Sidaas darteed Gobolka Sh/hoose:
Ø Murusade ayaa kow ah, Digil ayaa labo ah, Biyo maal ayaa sedex ah, inta kale way ka sii dambeeyaan.
4. Beesha Xawaadle Gobolka Sh/hoose aniga ayaa iska leh maxaa yeeley qofka ugu soo horeeyey ee hawiye ah oo gobolka yimaada waa xawaadle 1910-kii isaga oo garabka ku wata wax yaabo uu ka ganacsanayey sida mal mal, foox, uunsi, xildiid, dun iyo cirbad, sidoo kale waxaan ahay reerka ugu LO’ dhaqashada badan ee hawiye ah oo gobolka degen, waxaan dagaal kula galey gobolka qabiil hawiye ah,
Sidaas darteed Gobolka Sh/hoose:
Ø Xawaadle ayaa kow ah, Digil ayaa labo ah, Biyo maal ayaa sedex ah, inta kale way ka sii dambeeyaan.
HADABA
“DIGILMIRIFLOW DOO LEEDEY DANTII GORIDI”
“digilmiriflow hadal waa dhamaadeye dantiina garta”
Mahadsanidiin