Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka hadley arimaha gobolka shabeelha hoose ayaa sheegey in gobolka shabeelha hoose uu yahay gobol ey 80% leeyihiin beelaha hawiye qof ka qaadi kartana eysan jirin dadka yaroo la degana ey u ogol yihiin iney wax la qeybsadaan, Waxaa uu intaasi raaciyey in heshiiska ey dowlada sameysey uu yahay mid u horseedaya umada dagaal hor leh.
Hadalka kasoo yeeraya Axmed Diiriye ayaad waxaad moodaa markii dhan walba laga eegaba mid xaqiiqda ka fog oo ku saleysan dulmi iyo dhul boob, Taasoo ay u sahleen inuu sidaasi ugu indho adeego odey dhaqameedyada Digil oo mar walba uu Axmed sheegto deegaanka uusan jirin qof u jawaabo amaba runta u sheega.
Bal wareysigiisa waakan ee nala dhegeysta.
[audio:http://daafeet.com/wp-content/uploads/2014/07/axmed-diiriye-mobil.m4a|autostart=yes]
Idale News Online, Muqdisho.