Kumanaan dhalinyaro hubeysan oo daacad u ah Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Koofurta Sudan Riek Machar ayaa ku soo wajahan magaalada Bor ee Gobolka saliida hodanka ku ah ee Jonglie, halkaasoo maalmo ka hor ay dib u qabsadeen ciidamada milateriga dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanadan oo ah qabiilka Nuer ee uu ka dhashay Madaxweyne kuxigeenkii hore Reik Machar ayaa doonaya inay dib u qabsadaan magaalada Bor.
Afhayeen u hadlay ciidanka Milateriga Koofurta Sudan ayaa sheegay in xoogagan hubeysan lagu magacaabo “White Armda” ay qorsheynayaan inay weeraraan magaalada Bor, waxaana Afhayeenku sheegay inay dib u celin doonaan ciidankaas ku soo fool leh.
Inkastoo dowladda Koofurta Sudan ay aqbashay baaq xabad joojin ah oo ka yimid Urur Goboleedka IGAD, ayaa hadana mucaaradka waxay wali kula dagaalamayaan gobolo saliida laga qodo oo ay ku loolamayaan gacan ku heyntooda.
Madaxweyne Salva Kiir iyo Kuxigeenkiisii hore ayaa isku haya awooda dalka, tan iyo markii bishii July Reik Machar la eryay, waxaana ninkan uu shuruud ku xiray wada hadalo uu la galo Salva Kiir in marka hore la soo daayo qaar ka mid ah raga siyaasada u xir xiran oo ay dowladda xirtay.
15-kii bishan ayay aheyd markii ciidamada madaxtooyada ay fashiliyeen afgambi milateri oo la doonayay in xukunka lagaga tuuro Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir Mayardit.
Idale News Online, Wararka Caalamka, Jubba.