Ciidamad DF soomaaliya iyo Kuwa Itoobiya ayaa la wareegey degaano muhiim ah ee G/Bay.

0
174

Ciidanka DF soomaaliya ee degmada Berdaale ayaa la wareegay deegaanno hoos-taga Degmada Berdaale ee Gobolka Baay, sida U sheegey  Maxamed Isaaq Aracase oo ah Gudoomiyaha Degmada Berdaale.

Ciidamada ayaa la wareegay deegaannada Moore Waraabe, Walaq iyo Is-koris oo dhammaantood ka tirsan degmada Berdaale.
Ciidamada ayaa la waregitaanka deeganadaan waxaa ku wehlinaye kuwa Ethiopia waxaana la sheegay in Shabaabkii ku sugnaa deeganadaasi ay ka baxsadeen, ka dib markii culeys weyn ay dareemo, kuwaasoo dhawaanahan ka wadeen nawaaxiga degaanadaasi ciidamada DF soomaaliya iyo militiriga dowlada itoobiya.
Guddoomiyaha degmada Berdaale, Maxamed Isaaq Aracase  ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa dalka Itoobiya ay billaabeen howlgallo la doonayo in gobolka looga saaro Al-Shabaab.
mr.Caracase ayaa ku nuxnuxsadey inuu sii socon doono howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Gobalka Baay ka biloowday Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Soomaalida  ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaq ciidan ka waday Gobolka Baay.
ugu dambeytii degaano muhiim ee Gobolka Bay yaa weli waxaa gacanta ugu jirtaa xoogaga Al-shaba oo dagaal adag kula jiraa DF soomaaliya.
itoobiya
Idale News Online, Bardaale.