Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay waxaa bilihii u danbeeyay siwayn uga soconayay qorshe la doonayay in maamul loogu sameeyo deeganada lixda gobol ee dhaca Koonfurta Soomaaliya kuwaasoo qaybo kamid ah ay maamulaan Ururka Al-shabaab kuwa kalana ay leeyihiin maamulo KMG ah oo dowladda Soomaaliya aqoonsantahay.
Inkastoo Shirka Baydhabo lagu tilmaami karo mid wajiyo badan ayaa haddana waxaa wali si xowli ah u socda qorshihii deeganadaasi maamulka loogu samayn lahaa waxaana saacadihii lasoo dhafay halkaasi garay ergooyin cusub oo matalaya qaar kamid ah gobolada la doonayo in maamulka loogu sameeyo Baydhabo.
Guddoomiye Kuxigenka kowaaad ee Gobolka Bay Cismaan Macalin Cabdi oo la halday Idaacadaha ayaa shegay Ciidanka Amniga inay sugeen goobta uu shirku ka socda, wuxuna tilmaamay geesta kale shirka inuu marayo meel wanaagsan lana filayo inay kasoo baxaan qodobo wax ku ool ah.