Waxaa soo baxaaya warar xoog leh oo ku aadan in Khalid Abu Abdulrahman Afghani lagu dilay dalka Soomaaliya, iyadoo uu ninkaan u dhashay dalka Afghanistan.
Khalid Abu Abdulrahman Afghani, ayaa waxaa lagu dilay weerar xagga cirka ah oo galabnimadii Khamiista ka dhacay deegaanka Kalabeyrka, oo qiyaastii 20km u jirta Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa wuxuu xaqiijiyay weerarka abaabulan ee lagu dilay Khalid Abu Abdulrahman Afghani, isla-markaana wuxuu sheegay in ay Xukuumadiisu soo dhaweyneyso.
Afhayeenka Ciidamada Militariga ee Dowladda Kenya Major Emmanuel Chirchir, ayaa wuxuu xaqiijiyay in Sarkaalkaan uu kamid noqday Saraakiishii Shabaab, ee lagu laayay duqeymihii deegaanka Kalabeyrka.
Major Emmanuel Chirchir, ayaa wuxuu tilmaamay in ninka la dilay uu khabiir ku ahaa, qaabka loo haggo qoriga hoobiyaha, ee aagga difaaca iyo weerarkaba loo adeegsado.
Idale News Online