Dowladda oo looga mahadceliyay taageerada ay u fidineyso Soomaalida Koonfurta Suudaan (Daawo Sawirada).

0
197

Jubba:Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Sudan oo ay ka qeyb yihiin guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee South Sudan, ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Shirarka ee dhismaha Safaaradda, halkaasoo ay ku muujiyeen taageerada iyo yididiilada ay u hayaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hassan Dhaqane Omar Gudoomiye kuxigeenka Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee South Sudan oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxa uu yiri , “waxaan nahay ummad magac leh wadan leh, astaan leh, laga yaqaan caalamka, loo yaqaan magaca Soomaaliya, Allah magacaas noo yeelay ayaa mahad leh, kadib Ambassador Abdirahman Nur Mohamed” Dinari” , oo ah Safiirka dowladda FS ee South Sudan oo u howlgalay badbaadinta iyo daad gureynta dadka ku go’doomay dagaalada, si qurux badan ayey dowladda dadkeeda ugu gurmatay,safaaraduna si wacan ayey u agaasintay.

Ganacsade Hassan Dhaqane ayaa waxa uu intaa raaciyay in Soomaalidu ay ku kala nool yihiin gobol waliba oo South sudan ka tirsan , Safaaraduna ay hooy siisay muddo kooban dadkii dagaalada ka soo cararay inta aaney diyaaradda koowaad imaan caasimadda Juba, “ qof waliba oo Soomaali ah oo South sudan ku nool wuxuu ogsoon yahay , kuna dhaaranayaa Allah kadib inuu leeyahay dowlad iyo dal magaciisu yahay Soomaali ,kana damqanaya dhib kasta oo uu la kulmo, waxaan ku boorinayaa muwaadiniita Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay taageeraan dowladooda iyo dalkooda.

Hassan Dhaqane Omar ayaa waxa uu yiri“ Dadka Soomaaliyeed ee dib loogu celiyay Muqdisho , waxa ay noo sheegeen in la dejiyay hoteello ,kadibna loo kala ambabixiyay deegaanada iyo gobolada ay kala degan yihiin, iyagoo gacanta ku sita Tikidh diyaarad iyo masaarif lacag ah oo biil ahaan ugu filin muddo gaaban.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Caasimadda Juba- South Sudan ayaa ku qiyaastay tirada dadka Soomaaliyeed ee ku nool South Sudan ku dhawaad 10,000 ruux oo u kala qeybsan ganacsato,shaqaale,arday iyo qoysas Soomaaliyeed oo deegaansaday gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka South Sudan.

Waxaa kale oo madashaasi ka kala hadlay ganacsatada kala ah Abdihakim Moalim Ahmed Malin oo ah Xoghayaha guud ee guddiga ganacsatada (SOBAS) ,Bashir Farah Jama, Khadar Mohamud Ali iyo Mohamed Hassan Mohamed oo u mahad celiyay Madaxtooyada qaranka, Xafiiska gudoonka Baarlamaanka, Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Caasimadda Juba- South Sudan kaalinta balaaran ee ay ka qaateen daabulidda dadkii ku go’doomay dagaalada ka soconaya qeybo ka mid ah South Sudan.

sawir1

 

camey2

 

camey63camey64

 

 

Idale News OnLine