Wararka naga soo gaaryo Degmada Marka CADEEY ee xarunta gobolka shabeellaha Hoose ayaa sheegayaan in magaaladaasi laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ku aadan soo dhaweyn balaaran isla markaana ay wadaan maamulka 3da gobolk ee Koonfur galbeed soomaaliya.
Xog ay ka Heshey shabakadda IdaLe News Online Ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaysa In Ra’iisal Wasaaraha DFSoomaaliya Mudne Cabdiweli ayaa Lagu wadaa in maalinta berri ah uu tago magaalada Marka cadeey si uu ula soo kulmo rag katirsan Maamulka S 3da Gobol Ee Koonfur galbeed soomaaliya, kuwaaaso0 tartan siyaasadeed oo weyn ka dhaxeeya maamulka lixda gobol.
U Jeeda safarka RW ayaa lagu sheegey inuu ku qotoman yahay sidii Madayweyne kuxigeenka 1-aad Max’ed Xassan Fiqi, iyo ragkale oo tirsan maamulkaas, loogu hiiliyo Maamulka Lixda Gobal, Ee koonfur galbeed soomaaliya, isla markaana RW u taagyeeri lahaa maamul ka kooban 3 gobol E e koonfur galbeed.
Si Kastaba ha ahaatee arrintaan ayaa kusoo aadaysa xilli shalley madaxweyne Madoowe Nuunow& Qaar ka mid ah c Gollahiisa wasiirada loogu yeeray magaalada Muqdisho si ay ula kulmaan xafiiska QM ee Dalka soomaaliya , taasoo oo aad moodo in ay tahay mid Lagu khiyaanayo Madaxweyene Madoowe Nuunow Maxamed.
Ugu dambeyntii, Magalaada Baydhaba Janaay Ee Xarnta Gobolka Bay ayaa waxaa ka jira labo maamul Goboleed oo kala fikir duwan oo leh labo madaxweyne, DF soomaaliya iyo beesha caalamka midkooodna taagyeero rasmi ah kama helin, walow dowlada soomaaliyaaad moodo in ay u janjeerto dhabka maamulka 3da gobol.
Idale News Online, Marka Caddey.