Kaaliyaha Wakiilka QM ee dhanka Nabadgalyada oo gaartey Xarunta Maamulka Jubba ee Kismaayo + Sawiro

0
182

Wafdi ay horkacaysay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Cheng-Hokins ayaa gaartay magaalada Kismaayo oo xarun u ah maamulka kmg ee Jubba. Wafdiga Ms Hopkins oo uu ku wehliyey kuxigeenka xafiiska UNSOM Fatiha Serour ayaa kulan la yeeshay madaxda maamulka KMG ee Jubba.

Wafdiga ayaa waxaa madaxtooyada Kismaayo kusoo dhaweeyay hogaamiyaha maamulka kmg ee Jubba Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Fartaag. Wafdiga Qarmada midoobay ayaa kulankooda la soo qaadey masuuliyiin  maamulka Juba arrimo u badan dhank amaanka deegaanada maamulka kmg ee Jubba uu ka taliyo.

Markii uu kulanku soo idlaaday ayaa waxaa si wadajir ah shir saxaafadeed u qabtay Kaaliyaha xighayaha guud ee qaramada Midoobay Cheng-Hopkins iyo hogaamiye kuxigeenka maamulka kmg ee Jubba  Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag iyagoo ka warbixiyay waxyaabihii labada dhinac ay ka wada hadleen. hoplkins4

hopkins1

hopkins2

hopkins3

hopkins4

hopkins6

hopkins7

hopkins8

hopkins9

hopkins10

hopkins