Kooxda Islaamiyiinta Ah Ee Boko Haram oo Shegatay Masuliyada Gabdhahii Dhawaan La Afduubtay.

0
180

boko-haraam

Dhaqdhaqaaqa  Islaamiyiinta ee Boko Haram ee Kadagalanto Dalka Nageria ayaa sheegatey mas’uuliyadda afduubkii bishii hore loo geystey boqolaal gabdhood oo wax ku baranayey waqooyiga Nigeria.

Sheegashadan ayaa lagu shaaciyey cajalad video ah oo afka Hausa-ha ah, kaas oo loo qeybiyey wakaaladaha wararka.

Cajaladdaasi ayaa hoggaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau waxaa uu ku sheegay inuu ka dambeeyey afduubka gabdhahaasi, isagoo balanqaadey inuu suuqyada ku iibin doono.

Bishii hore 14-keeda ayaa rag hubeysan waxay gabdhahan ka afduubteen dugsi ku yaalla magaalada Chibok, ee gobolka Borno.

Mas’uuliyiinta dalka Nigeria ayaa sheegay in qaar ka mid ah gabdhahaasi ay soo baxsadeen, laakiin ilaa iyo 276 weli la la’ yahay.

Maalintii Axadda, ayaa Madaxweynaha Dalka Nigeria Goodluck Jonathan waxaa uu amar ku siiyey saraakiisha sare ee amniga inay qaadaan talaabo kasta oo suuragelin kara sii deynta gabdhahan.

Idale News Online.