XOG: Dowlada Maraykanka iyo Urur Goboleedka IGAD oo isku khilaafay dhismaha Barlamanka Maamulka Jubba.

0
206

Dowlada Maraykanka iyo Urur Goboladka IGAD ayaa waxaay markii ugu horaysay isku khilaafeen  arin ku sabsan  dhamaystirka Maamulka  KMG ah Jubba.

Urur Goboleedka IGAD ayaa  waxaa uu bishi hore Magaalaada Kismaayo ka soo saaray  war u ku shaaciyay in 26 bisha June  la dhamaystiridoono Golaha Barlamanka Maamulka  KMG ah Jubba waxaana Urur Goboledka IGAD ay magacaabeen gudi uu hogaamiye u yahay Ugaaska   beesha Obsame kuwaas oo lo xilsaray  so xulista  xubnaha Barlamanka Maamulka  KMG ah ee Jubba .

Ka dib markii warkaasi uu ka so baxay Urur Goboleedka IGAD waxaa  ka biyo diiday  Dowlada Maraykanka  gaar ahaan Safiirka Dowlada Maraykanka u fadhiya wadanka Kenya Mudane Robert F. Godec.

Ambassador  Robert F. Godec  ayaa waxaa uu sheegay in  Barlamanka Maamulka Jubba aan la dhisi karin Xili wali aysan  heshsiis ahaayn  dhinacyadii Magaalada Isku farasaray,

Ambassadorka  ayaa waxaa uu soo jeediyay  in marka ugu horaysa la qabto  wajigii labaad ee Shirka dib u heshiisinta Gobolada Jubboyinka iyo Gedo lana dhameeyo xurgufta dhex taala Ciidamada  ku sugan deeganka Gobweyn ee Duleedka Kismaayo iyo Ciidamada ku sugan gudaha Magaalada.

Ambassador Maxamed Cabdi Afeey iyo Gen Gabre oo ayagu  matalayay  Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaay   waqti badan  galiyeen sidii ay uga dhaadhicin lahayeen  Ambassador  Robert F. Godec in aan lo bahnayn  dib u heshiisin  dhexmarta dhinacyadii is farasaaray  balse lo bahan yahay in dag dag lo dhamaystiro  hay,adaha Maamulka Jubba u ka kooban yahay.

Sida ay Idale News Online xogtaani  ku heshay  Ambassador  Robert F. Godec ayaa waxaa uu ku adkaystay  in aan la dhisi karin Barlamanka Jubba  inta uu ka dhacayo wajiga labad ee shirka dib u heshiisinta Jubboyinka iyo Gedo.

Xiriir aanu la samaynay  xubno ka tirsan Maamulka Jubba  ayaa waxaay  ugu danbeyn ino xaqijiyeen in dib lo dhigay so xulidii barlamanka Jubba ka dib  cadaasi ka  yimid Dowlada Maraykanka.

Ambassador  Robert F. Godec   ayaa bilihii ugu danbeyay  waxaa uu si weyn isha ugu hayay  dhacdoyinka kale duwan ee ka socda Gobolada Jubboyinka waxaana  dhamadkii bishii aanu ka soo gudubnay uu xiriir dhanka telefoonka ah la yeeshay  Col Barre Adan Shire oo ah Hogaamiyaha  Golaha Nabada iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka  inkasta oo ila iyo hada aysan cadayn waxaa ay ka wada hadleen labadaasi masuul.

IGAD-MAP1

Idale News Online,Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gmail.com