Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu booqday shalay gelinkii dambe dhismaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Beijing ee Caasimadda China , halkaasi oo uu ku soo dhoweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Shacbiga China ambassador Yusuf Hassan Ibrahim “Yusuf dheeg”,diblomaasiyiinta kala duwan ee Safaaradda iyo shaqaalaha “Local Staff” . Dr. Abdirahman Dualeh , ayaa ku booriyay diblomaasiyiinta Safaaradda inay kordhiyaan howlaha qaranka ay u hayaan , isagoo xusay in loo baahan yahay dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyo dhismooyinka Safaaradaha qaar ee dalku leeyahay .
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay qorsheyneyso horumarinta aqoonta iyo tayada dhammaan diblomaasiyiinta Soomaaliya ,si guulo ay uga keenaan howlaha kala duwan ee loo kala igmaday.
Halkan Ka Daawo Sawiradda.
Idale News Online, Bajin, Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gmail.com