Toddobo qof ayaa ku dhimatay dagaal labo maleeshiyo beeleed maanta ku dhex maray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu Bar-kulan u sheegay guddoomiyaha gobolka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur.
Cabdiqaadir ayaa sheegay inuu dagaalka ka dhacay deegaannada Ceel-wareegow, Sagaaroole iyo Busley, isagoo intaas ku daray in dhammaan dadkii ku dhintay iska horimaadka ay ka soo jeedaan dhinacyada dagaallamay.
Dagaalka oo salka ku haya muran dhul iyo aanooyin qabiil ayaa billowday saaka, wuxuuna soo gaaray galabta.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inay ku dadaalayaan inuusan dagaalku ku fidin dhul hore leh, isagoo sheegay inay gacan ka helayaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.
Wuxuu ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya inay joojiyaan dagaalka, wada-hadalna ku dhammeeyaan khilaafkooda.
Idale News Online, Ceelwareegow, Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gmil.com.