Garisa(INO)–lyaas Barre Shiil oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka dalka Kenya ayaa si weyn usoo dhaweeyay in dowlada Kenya ay maalmo u qabato qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya.
Xildhibaan Ilyaas Barre, ayaa sheegay in xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ay ku nool yihiin Alshabaab iyo dad Soomaaliyeed oo isku wada jira, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay in sanado badan Alshabaab ay ku dhuumaaleysanayeen xeryaha dalka Kenya, kuwaasi oo qaraxyo iyo weeraro ka geystay dalka Kenya.
“Sida dhabta ah qaxootiga 20 sano ka badan ayaan soo dhaweyney, laakiin waxaa dhab ah Alshabaab ayaa kusoo batay Dhadhaab, waxaa cadeyn u ah aniga meesha leyga soo doortay masaajid ku yaala kuma dukan karo”ayuu yiri Ilyaas Barre.
Sidoo kale Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil, ayaa sheegay iney ku adag tahay inay tagaan degaanada laga soo doortay, isaga oo cadeeyay in xubno Alshabaab ah sar sare ay tagaan deegaanaa xeryaha dhadhaab.
“Soomaalida yeysan been isku sheegin, Ninka Cikrama la yiraahdo maalmo ka hor Ifo ayuu yimid oo wuuba ku faanay, sidaasi daraadeed qori iyo qiiqiisa waa leysla tuuraa”ayuu yiri markale.
Dhanka kale afhayeen u hadlay hayada UNHCR xafiiska magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in wax war ah aysan kala socon hadalka Kenya, ayna adag tahay in xiligaan muddo seddex bilood ah lagu soo celiyo dhamaan qaxootiga ku sugan dalka Kenya.
Afhayeenka wuxuu sheegay in dadka xerada ku sugan yihiin ay ka badan yihiin 30 kun oo ruux ayna sahlaneyn in dadkaasi muddo bilooyin ah loo qabto.
Idale News Online, Garisa