Saraakiisha ciidamada Gal-Gala oo Dr. Gaas ugu goodiyay Arrin halis badan oo ah

0
226

Garowe(INO)-Wararka aan ka heleyno dhanka Magaalada Garoowe, ayaa sheegaya inay ka dhex tafan tahay Maamulka Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan jiida hore ee buuraaleyda Galgala.

Wararku waxa ay sheegayaan in Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Galgala ay Madaxweyne Gaas iyo Taliyaha Militeriga Maamulka ku wargaliyeen inay faarujin doonaan Jiida ay ku sugan yihiin.

Saraakiisha iyo Ciidamada ayaan muddo kudhow Seddex bil aan lasiin xuquuqdii ay ku lahaayen maamulka ee mushaharka, waana tan keentay in Maamulka ay ugu goodiyaan inay kasoo bixi doonaan Furumaha, waa hadii aan wax laga bedelin isdaba-marinta lagu hayo mushaaraadkooda.

Sargaal ka tirsan Militeriga ayaa sheegaya in Saraakiisha ay ka careysan yihiin mushaar la’aan iyo daryeel xumi ku heysata furumaha ay kaga sugan yihiin Galgala.

Waxa uu tilmaamay in Saraakiisha iyo Ciidamadu aysan helin wax fasax ah, taasina ay sii xoojisay Cabashada ay u direen Madaxweynaha Maamulka.

Waxaa Cabsi laga qabaa in Ciidamadaasi ay soo faarijiyaan Jiida dagaalka, waxaana suuragal ah in Maleeshiyada Alshabaab ay sii laba jibaarto dagaalka ay kula jirto Maamulka, waa hadii aan wax laga bedelin mushaar la’aanta ay Ciidamadu la daaladhacayaan.

Idale News Online, Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here