Daawo: 2 Wiil Oo Walaalo Ah Oo Ka Soo jeedaan Koonfur Galbeed Oo Ku Guuleystey Tartanka Qur’anka Ee Dalka Mozambique

0
232

Mozambique.(INO)-Zakiya Abuukar Sheekh Muudey iyo Cabdicasiis Abuukar Sheekh Muudey ayaa galay kaalimaha Koowaad iyo Sedaxaad tartanka Qur’aanka Kariimka ee Dalka Mozambique.

Tartankani ayaa soo qabanqaabisay Wasaarada Awqaafta iyo Hay’adda Culimada Islaamka ee dalka Mozambique.

Tartanka oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ka qeybgalay 65 Arday oo ka kala socdey gobolada dalka Mozambique oo dhan, Labbo Arday oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sanadkaan nasiib u yeeshay inay ka qeybgalaan Tartanka.

Zakiya Abuukar Sheekh oo 8 jir ah iyo C/casiis Abuukar Sheekh oo 11 jir ah ayaa kala galay kaalmaha koowaad iyo sedaxaad, waxayna nasiib u yeesheen in Bisha Ramadaan ee nagu soo fool leh ay dalalka Dubai iyo Sacuudiga uga qeybgali doonaan Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Ramadaan walba la qabto.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysey oo tartankani ka dhacay Magaalada Maputo ee dalka Mozambique ay ka qeybgalaan Arday Soomaali ah.

Ugu Dambeyntii Waxaan u rajeyneyaa in ay markale guul ka so hooyaan tartamada kale ducadiina waa u muhiim Waxaan idin so dhigi donaa video aan ka qaadeey.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Mozambique.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here