Baydhobo (INO) –– Xildhibaanno kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyay Shirar kala duwan ku kala qabanayay Magaalooyinka Muqdisho & Baydhobo, waxaana ay uga hadleen Sed-bursiga Axmed Madoobe.
Xildhibaanno ay kamid yihiin Sheekh Aadan Madoobe, Daahir Amiin Jeesow & Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in dowladda Federaalka ay aqoonsato Baarlamaanka Axmed Madoobe.
Xildhibaanada ayaa ku salayeeyay Diidmadooda, in qaab aan Cadaalad ahayn loo qeysaday Xildhibaanada Baarlmaanka Axmed Madoobe, oo ay ku tilmaameen in Degmooyinka iyo Deegaanada qaar Dadkooda la qadiyay.
“Axmed Madoobe wuxuu soo xulay Shaqsiyaad qaraabadiisa ah & kuwa isaga u adeega, kuwaasi oo dhamaan ka dhigay Xildhibaanada Baarlamaankiisa, waxaana uu doonayaa inuu markale noqdo Hogaanka xoog kusii haysto,” ayuu yiri Afaraale.
Odayaal Dhaqameedka Beelo badan oo degan G/Jubbooyinka ayaa dhawaan isaga soo baxay shirkii lagu dhisayay Baarlamaanka Axmed Madoobe, markii ay arkeen inaysan cadaalada kasoo socon Axmed Madoobe & ina adeerkiisa Maxamed Cabdi Afeey.
Idale News Online – Muqdisho