Daawo:Haweeneydii Muungaab gadaal uga daray Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir oo ballanqaad sameysay

0
224

Muqdisho(INO)-Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan aan caadi ahayn oo lagu taageerayay Guddoomiyaha cusub ee degmada Hodon oo loo magacaabay haweeney ka tirsaneyd ururrada bulshada rayidka ah.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Hodon oo lagu magacaabo Xaawo Maxamuud Cali (Xaawo Kiin) ayaa si weyn ugu faraxday soo dhoweynta iyo taageerada ay u muujiyeen haweenka ururada Bulshada ee ay horay uga tirsaneyd.

Munaasabadda lagu taageerayay Guddoomiye Xaawo Kiin ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah, iyagoona sheegay in Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay degmada Hodon ay wax badan ka bedeli doonto xaaladda degmadaasi.

Xubnihii khudbadda ka jeediyay halkaasi ayaa sharaxaad ka bixiyay aqoonta ay u leeyihiin Guddoomiye Xaawo Kiin, waxayna sheegeen inay tahay qof howl kar ah isla markaana aan ka daalin waxqabad muuqda.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Hodon Xaawo Maxamuud Cali Xaawo Kiin oo halkaasi ka jeedisay khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayaa sheegtay inay ballanqaadeyso dardar gelinta iyo horumarinta degmada Hodon.

“Anigoo aan qiyaasi karin shucuurteyda farxadda iyo niyadsamida aad igu taageereysaan darteed waxaan halkaan ka ballanqaadayaa inaan isbedel muuqda oo la taaban karo ka dhaliyo degmada Hodon” ayay tiri Guddoomiye Xaawo Kiin.

123

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here