Maamulka Jubba oo looga digay dhismaha Warshadii Kalluunka Magaalada Kismaayo

0
220

Kismaayo(INO) — Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen waxgarad, aqoonyahanno, siyaasiyiin, xildhibaanno, culummada iyo qaybaha Beesha Reer Isaaq ee Ogaadeen ayay looga digay maamulka KMG ee Jubba inay sii wadaan dhismaha sharci-darrada ah ee warshadii Kalluunka degmad Kismaayo.

Waxgaaradkan ayaa sheegay in dhismaha warshaddii Kalluunka Kismaayo uu lahaa Cumar Macallin Maxamed, iyagoo sheegay in haddii maamulka KMG ah ee Jubba uu joojin waayo dhismaha sharci-darrada ah uu cawaaqi-xumo kala kulmi doono.

“Siyaasiyiinta, Wax-garadka, Odayaasha-dhaqanka iyo Culummada Reer Isaaq waxay uga digayaa maamulka Jubba dhismaha sharci-darrada ah ee uu kuwado warshadii kalluunka ee Kismaayo uu lahaa Cumar Macallin Maxamed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay kasoo saareen Muqdisho Xubnahan.

Intaa kaddib, waxaa kulanka lagu soo qaaday taariikhdii maxuum Cumar Macallin oo la sheegay inuu soo noqday danjirihii Somalia ee Mareykanka sannadihii u dhexeeyay 1961-kii illaa 1964-kii.

Dhanka kale, waxaa lagu sheegay hadalka wadajirka ah ee ay waxgaradku kasoo saareen Muqdisho in marxuum Cumar Macallin uu xilli dambe noqday ganacsade, kaddib markii uu iska dhaafay siyasadda, isagoo ahaa milkiilihii warshadda kalluunka ee Kismaayo iyo ganacsiyo kale oo fara badan.

Waxgaradku waxay ugu baaqeen Jaaliyadda kasoo jeeda Jubbooyinka inay gacan ka geys-taan sidii looga hortegi lahaa dhismaha sharci-darrada ah ee uu maamulka KMG-ka ah ee Jubba kuwado warshadda kalluunka Kismaayo.

Ugu dambeyn, hadalka waxgaradka beesha Reer Isaaq ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbaland uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku joojiyo dhismaha uu kuwado Warshadda Kalluunka Kismaayo, haddii kale uu maamulku mas’uul ka noqon doono wixii ka yimaada.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here