Xawaaladaha Soomaalida ee Dalka Mareykanka oo xirmay

0
216

Mn(INO)-Dalka Maraykanka waxa dhamaaday wakhtigii kama damabysta ahaa ee uu Bangi Maraykan ah u qabtay in uu ku xirayo xawaaladaha soomaalida ee ka hawlgala dalkaasi Maraykanka.

Bangigan oo la yiraahdo, Merchant ayaa waxa uu gacanta ku hayey boqolkiiba 80 xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida.

Xawaaladaha intooda badan ayaa haatan joojiyey adeegyaddii ay bixinayeen ee ahaa xawilaada lacagaha taa oo saameyn badan ku yeelatay Soomaalida kunool dalkaasi oo lacago siyaabo kala duwan ugu soo xawila eheladooda.

Bangiga ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in uu hoggaasami waayo shuruucda lacagta ee dalka Maraykanka, waxa uuna sheegayaa in xawaaladaha soomalida aanay awoodin ay cadeeyaan halka ay ku dambeeyaan lacagaha ay xawilaan.

Hasayeeshee xawaaladaha Soomalida ayaa sheegaya in ay u hoggaansamayaan shuruucdan, waxa ayna tilmaameen in ay aad uga xun yihiin go’aanka uu bangigan xisaabaadkooda u joojiyay.

Idale News Online, MN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here