Leego(INO)-Gudoomiyaha Deegaanka Leego ee Gobolka shabeelada hoose Abuukar isxaaq Al-cadaala oo la hadlay Warbaahinta uu ku leeyahay ayaa waxa uu ka warbixiyay iska hor imaad mudo kooban dhex maray Ciidamada Amaanka deegaanka Leego iyo kooxo Burcad ah oo wata dharka ciidamada isla markaana gaadiidka u gala wadada.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamada Deegaanka oo wada howlgallo ay la kulmeen kooxo shacabka dhibaateya isla mar’ahaantana mudo ay is rasaaseeyeen,waxa uu Al cadaala inta ku daray in ay kala ceyriyeen ragaan huubsan dharka ciidamada Miltariga dowlada, Al-cadaala ayaa ku faanay in dhankooda uusan wax qasaaro jirin waxa uu ka gaabsadey dhinaca burcada iyana qasaaraha gaaray.
wadada isku xirta Leego iyo Afgooye ilaa degmada Buur hakaba ee Gobolka baay ayaa waxa lagu dhibaateeyaa shacabka safareyda ah, waxaana dhibaatada geysanaya sida dadka deegaanadas ay inoo xaqiijiyaan rag ku labsian dharka ciidamada Miltariga dowlada federaalka soomaaliya.
Horay waxaa jiratay in kooxahaan laga sifeeyay wadada isku xirta Muuri iyo deegaanka Ceel wareegow haatan wadasi ay tahay mid amaan oo ay xukumayaan ciidamo ka amar qaata Maamulka degmada labar konton ee gobolka shabeelada hoose.
Mauuliyiinta ciidamada Miltariga somaaliya ayaa ka gaabsada dhibaatada ay geysanayaan raga huubsan dharkooda,markii wax laga weydiiyanaay ay sheegayaan kaliya in aanay ciidankoodu ahayn waxa bulshada dhibaya.
Idale News Online, Leego.