Muqdisho(INO)-Warar hadda naga soo gaarey madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegayaa inuu iska casiley Wasiirkii ugu horeeyey xukuumadda Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Wasiir ku xigeenkii ku magacoownaa wasaaradda gaashaan dhigga DF ee Soomaaliya Xildhibaan C/Raxmaan Kulmiye Xirsi (C/Raxmaan dheere) ayaa si rasmi ah u sheeciyey inuu iska diidey, iskana casiley xilkii loo magaacaabey dhawaan.
Xildhibaan kulmiye ayaa wararku sheegayaan in uu warqada is casilaadiisa uu u dhiibey Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid, isagoo nuqullo ogeysiin ahna gaarsiiyey madaxweynaha DF Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.
Ma cadda sababta deg deg ah ee uu isku casiley wasiirkaan oo horey loogu tirin jirey shaqsiyaadka u dhow madaxweynaha, waxaysi is casiladaani noqonaysaa midii ugu horeysey ee uu ku dhaqaaqo mid ka mid ah xubnaha xukuumadda ee iyadu horey loogu guul darreystey in ay meel mar noqoto.
Idale News Online, Muqdisho.