Iyadoo maalin ka hor uu Wadaadka xagjirka Xassan Dahir uu sheegay in haddii loo safriyo dalka dibadiisa uu dib ugu soo laaban doono Somali Dagaalna kala horjeesan doono AMISOM, ayaa waxa uu haddana sheegay haddal ka Careysiiyay Xukuumadda.
Waxa uu Wadaadka mar kale sheegay Xilli ay la joogen Saraakiisha Sirdoonka iyo kuwa Galbeedka oo ay wehliyaan Nabadoonada Beesha Habar Gidir, ayuu waxa uu mar qura sheegay in Xukuumadda Somalia iyo Madaxda Dowladda ay yihiin waxa uu ugu yeeray ‘’Murtadiin’’, sida laga soo xigtay mid kamid ah Nabadoonada Beesha.
Nuqul kamid ah haddalka Xassan Dahir oo soo gaaray Shabakadda Soomaalidamaanta, ayaa waxaa kamid ahaa sida ‘’Waxan horay u aaminsanaa in Dowladda iyo shaqsiyaadka hogaanka u haayo Shacbiga ay ahaayen murtadiin waxaana weli aaminsanahay in gabi ahaan Xukuumadda ay tahay Camiil Murtadiin ah’’ Sida laga soo xirtay mid kamid ah Odayaashii ku guda jiray Arrinta wadaadka xagjirka.
Sirdoonka Somalia iyo kuwa Galbeedka ayaa waxa ay marba marka xigta diiwan galiyaan Haddalo Sir ah oo siyaabo kala duwan looga helo Wadaadka Xagjirka Xassan Dahir Aweys, taasoo sii fogeyneysa Rajadii laga qabay Xal u helida Xassan Dahir.
Dhanka kale, Odayaasha Beesha Habar Gidir, ayaa iyagu qaati ka taagan Wadaadka Xagjirka ah, kadib markii ay kula balameen inuu ka gaabsado Sir waliba oo sababi karta in lagu sii haayo Xabsiga, Hayeeshee nasiib daro muddo Saddax maalin gudaheeda sheegay Sir baddan oo isaga u qarsooneyd oo ah in haddii la musaafuriyo uu dalka kusoo laaban doono Dagaalka hurin doono iyo inuu aaminsan yahay in Xukuumadu tahay mid Murtad ah.
Ugu dambeyntii, Xaalladda Wadaadka Xagjirka Xassan Dahir, ayaa waxa ay marba marka xigta kasii baxaysaa gacanta Dowladda, iyadoona illo Xog Ogaal ay sheegayaan in Beesha Habar gidir ay ku gacan seyrtay in loosii daayo Xassan Dahir Aweys.
Idale News Muqdisho