Haweenay loo aqoonsaday hormoodka suxufiyiinta Aqalka Cad ee looga Taliyo dalka Maraykanka ka hawl gala, Helen Thomas, ayaa ku geeriyootay cusbitaal ku yaala Magaalada Washington ee caasimadda dalka Maraykanka halkaas oo xaalad caafimaad xumo oo soo waajahday loo geeyay.
Helen Thomas oo 92-jir ku geeriyootay sabtidii maanta ee July 20, 2013, ayaa la soo shaqaysay toban Madaxweyne Oo Maraykan ah, oo ka soo bilaabmay Kennedy ilaa Obama.
Helen Thomas, oo asalkeedu ka soo jeeday Lubnaan, ayaa ka mid ahayd suxufiyiintii waydiimaha ugu badan, ku liishaamay madaxdii Maraykanka, haba ugu darnaado, George W. Bush, oo ay kaga soo hor jeeday dagaalkii Ciraaq, Waxa kale oo ay si adag uga soo Horjeedi jirtay Israel.
Idale News Muqdisho