Maliishiyo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa dhoolatus milateri ku soo bandhigay magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Maliishiyadan oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka iyo qoryaha garbaha laga tuuro ayaa waxaa kala soo qeybgalay daawashadooda dadweynaha degmada Baraawe iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan Shabaab.
Sheekh Maxamad Abuu Cabdalla oo ah waaliga Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamadan ay qeyb ka yihiin dufco tababar mudo u socday loo soo xeray.
Abuu Cabdalla ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadan loogu magac daray Fursaanul Xisbah oo loogu talagalay howlaha deg dega iney fuliyaan waa sida uu hadalka u dhigay.
Maliishiyadan ayaa wuxuu sheegay Abuu Cabdalla iney ka qeyb qaadanayaan dagaalada bisha Ramadaan ay qorsheeyeen Shabaab.
Idale News Muqdisho