Baydhabo(INO)- Xasan Sheekh Maxamed Maxamuud, Madaxweynaha Xilkiisa Dhamaadey Ee Soomaaliya ayaa Maalinta Berito Ku Soo Wajahan Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Ilo Xog Ogaal ah oo Lagu Kalsoon yahay ayaa Idale News Online u Xaqiijiyey Safarka Xasan Sheekh Maxamuud Ee Baydhabo Isla markaana sida la sheegey waxa uu Baydhabo ka Bilaabayoa Ololihiisa Musharaxnimo oo uu doonayo in mar kale dib loo soo doorto.
Magaalada Baydhabo waxa si hawli ah ugu socoda Soo Xulista Ergada Dooraneysa Musharaxiinta Daneyneysa in Ka Mid Noqodaan Baarlamanka Soomaaliya Ee 2016, Iyadoona ay jiraan Khilaafyo u dhexeeya Beelaha Dhexdooda.
Musharaxiinta Dooneysa Madaxweyninimda Dalka ayaa waxay ku Tartamayaan in cod iyo Taagyeero ay ka helaan Mudanayaasha ugu tirade badan ee lagu soo Dooranayo Degaanda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay gaarayaan 69 Xubnood.