Caruur Nafaqo-Daro Ugu Geeriyootay Qansaxdheere Oo Cunto Yari Ka Jirto

0
186

Qansaxdheere(INO) – Toddobo carruur ah ayaa toddobaadkan nafaqo-darro ugu geeriyootay degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay, sida uu sheegay Dr. Mustaf Macallin Mayow oo ah madaxa iyo dhaqtarka keliya ee ka howlgala Xarunta Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Qansaxdheere.

Sida uu dhaqtarka sheegay waxaa maalin kasta xarunta la geeyaa 5 ilaa 10 carruur ah oo nafaqo-darro ay hayso. Xarunta dawo ma taallo, sidaas darteed bukaannada lamana seexiyo, oo carruurta waxaa dib loogu celiyaa guryahooda. Xaruntu waa tan keliya ee caafimaad ee ka furan Qansaxdheere, Waalidiintuna waxa ay booqdaan iyaga oo rajo ka qaba inay dawo iyo cunto nafaqeysan uga helaan carruurtooda. “Waxa keliya ee aan u awoodno waa inaan diiwaangelinno, oo xaaladdooda aan la soconno, talooyinna aan siinno,” ayuu yiri.

Xaruntu waxa ay diiwaangelisay tiro ku dhow 100 carruur ah oo cudurka kula ildaran guryaha, kuwaas oo howl-wadeenadeedu ku booqdaan xaafadaha. Nafaqo-darrida ayaa ka dhalatay cunto-yaraan ay sababtay xayiraad hor leh oo bil ka hor kooxda al-Shabaab ku soo rogtay degmada Qansaxdheere.  Saddexdii sano ee ugu dambeysay dadka degmada oo go’doon ku jiray ayaa ku tiirsanaa raashin si qarsoodi ah magaalada loosoo geliyay iyada oo la isticmaalayo waddooyin qardajeex ah.

Gaari dameerro iyo haween dhabarka ku xamaala ayaa raashinkaas ka soo qaadi jiray tuulooyin ku xeeran degmadaas.

Khadiijo Xasan Cali oo ah hooyo haysata saddex carruur ah oo ku nool Qansaxdheere ayaa Warbaahinta u sheegtay in labo ka tirsan carruurteeda oo mid uu siddeed bilood jiro, kan kalena 18 bilood ay nafaqo-darro hayso.

Cunto-yarida darteed, carruurteeda halmar oo keliya ayay 24-kii saacba u karisaa mushaari. Waxay masaggo ka soo amaahataa dad deriskeeda ah oo haysta keyd aan badneyn. “Carruurta aad bay u caatoobeen, madaxana way ka weynaadeen. Tababar-darrada haysa darteed xitaa socodka ma karaan,” ayay tiri. Waxay ka walaacsan tahay haddii ay xaaladdaan ku sii jiraan inay macluul u dhintaan carruurteeda.

Beer uu qoyskeedu ku leeyahay meel 30 km u jirta ayay ku tiirsanaayeen, labadii sano ee la soo dhaafayse dalag badan ugama soo go’in, waxayna qoysku ku noolaayeen taageero dhaqaale oo ay ka helaan ehelkooda.

Degmadaas iyo tuulooyinka hoostaga roob fiican kama di’in xilliyadii gu’ga iyo deyrta ee u dambeeyay. Inta badan beeraha waxaa qallajisay biyo la’aan, hase yeeshee waxaa jira qoysas aan badneyn oo uu bishii hore dalag u soo go’ay. Dadkaas ayaa ah kuwa keliya ee heli kara wax ay cunaan. Laakiin go’doonka oo saddex sano ku dhawaad ay ku jirto degmada ayaa sababay in kiilada sokorta ah oo bil ka hor ahayd 20,000 oo shilin oo u dhiganta hal doollar ay gaarto 40,000 oo shilin.

“Waxaan ku nool nahay xabsi dusha ka furan,” ayay tiri. Waxay xustay in aan raashin ganacsi ah suuqa laga helin. “Haddii aad hesho qof ay wax u keydsan yihiin wuxuu ku leeyahay iib iima aha, intaan aniga ayaa isku celcelinaya.”

Ugu dambeyntii, Maxamed Nuur Isxaaq oo ka mid ah odayaasha Qansaxdheere ayaa Warbaahinta u sheegay in sida keliya ee degmadaas wax lagu gaarsiin karo ay tahay in la adeegsado duullimaad, maadaama xayiraadda aysan suuragal ka dhigeynin in waddooyinka wax loo soo mariyo.