Buurhakaba(INO- War goordhow naga soo gaaraya Gobolka Bay, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qaraxyo aad u xoogan oo inta badan laga wada maqlay magaalada.
Qaraxyada oo ahaa laba ayaa waxaa la soo warinayaa inay ka dhaceen Degmada Buur-hakba, waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.
Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxyada ayaa la la sheegay inay ahaayen dad shacab ah, iyadoo khasaaraha ugu badan uu yahay dhaawacyo.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaareyso ilaa laba ruux, halka dhaawacana uu gaarsiisan yahay ilaa dhowr qof.
Goobta uu Qaraxa ka dhacay oo aheyd goob ay ku kulmaan dadka shibilka ah ayaa waxaa iminka ku sugan ciidamada maamulka, oo halkaasi dadka dhaawaca ugu fidinaayo gurmad.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha amaanka maamulka.