Waxaa Goordhow Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho Soo Caga Dhigatay Diyaaradii Siday Dadkii Laga Soo Musaafuriyay Dalka Kenya Warbixin

0
218

Waxaa goor dhoweyd garoonka Aadan Cadde ee magaalada muqdisho soo caga dhigatay diyaaradii siday dadkii Soomaalida ee ku dhibaateysnaa xabsiyada dalka kenya qaar kamid ah ee maanta laga soo dhoofiyay dalka kenya aygoo kusii jeeda wadankooda hooyo dadkaan ayaa maalmihii u danbeeyey lagu soo qabqabtay howlgaladdii ugu balaarnaa ay ciidamada kenya ka wadeen xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dadka xabsiyada loo taxaabay ay tiradooda kor udhafayso  afar kun oo Soomaali ah ay ku dhibaateysan yihiin xabsiyada wadanka Kenya ay isugu jiraan  dad da’a ah ,caruur , dhalinyaro iyo haween uur leh oo sagaal bilood ah oo qaarkood ay xabsiga ku dhaleen  dadkaan ayaa dhibaato dhanwalba leh ay ku heysataa xabsiyada dalka Kenya.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maanta laga soo musaafuriyay wadanka Kenya ayaa tiradooda gaareysay illaa 85 qofood oo Soomaali ah wexeyna haatan kusuganyihiin garoonka Aadan cadde  ee magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale ku wehliyey diyaaradaoo soo raacay  danjire Maxamed Cali Ameeriko oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa wuxuu sheegay in dadka lasoo masaafuriyay ay ahaayeen dad si sharci daro ah ku joogay dalkaas ay  aad ugu faraxsanyihiin in wadankooda loso musaafuriyay maadaama ay xabsi ku dhibaateysnaayeen oo ay raali ku yihiin qadarkooda.

1aaaa

Idale News Online, Muqdisho