Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa waxa uu baaq u diray dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ee ka soo jeeda Gobolada Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha, ayaa wuxuu ka codsaday in ay joojiyaan dhibataada ay dadka ku hayaan, wada hadalana ay la furaan Maamulka Koonfur Galbeed, si ay kaga qayb qaataan xasiloonida Deegaanka.
Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa Shabaabka ka codsaday in ay sheegtaan waxyaabaha ay doonayaan, isla-markaana ay taageeraan Maamulka ay soo doorteen dadka Deegaanka.
Nuunow wuxuu sheegay in ay la hadlayaan Shabaabka, ayna qancinayaan, haddii ay yimaadaan Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, isla-markaana ay siin doonaan waxa ay u baahan yihiin.
Madaxweyne Nuunow wuxuu muujiyay in loo baahan yahay in ay isku tashadaan iyaga, isla-markaana aynaan ku tashan awoodo kale oo shisheeye.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed wuxuu qabaa in nin kasta oo ka soo jeeda Deegaanka Koonfur Galbeed, uu xil ka saaran yahay suggitaanka ammaanka ee dadkiisa.
Hadalkaan wuxuu ka sheegay Munaasabadii dhaarinta ee Golaha Wasiirada ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Idale News Online, Baydhaba