WAR SAXAAFADEED UJEEDDO:- DHAMMEYSTIRKA QAAB DHISMEEDKA GUDDIGA
Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha guddiga farsamo ee dib-u-eegista Xeerka Qabyada ah ee Warbaahinta Soomaaliyeed (XQWS), 7/4/2014), ayaa lugu dhammeys tiray qaab-dhismeedka guddiga. Kulankan oo ahaa kii 1-aad ee ay isugu yimaadaan guddiga farsamo ee dib-u-eegista XQWS, ayna goob-joog ka ahaayeen inta badan xubnaha golaha guud ee guddigan, ayaa looga dooday qaab dhismeedka golaha fulinta iyo xubnaha ka mid noqonaya. Dood dheer iyo falanqeyn ka dib, guddigu wuxuu isku raacay dhismaha gole fulin oo ka kooban: Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen, Xoghaye guud, Xiriiriye iyo labo kaaliye.
Waxaana xilalkaas si aqlabiyad leh loogu doortay mas’uuliyiintan soo socda (Midba xilka ku aadden):
Cabdullaahi Colaad Rooble = Guddoomiye (Horay u magacawnaa)
Ismaaciil Sheekh Khaliif = Guddoomiye ku xigeen Liibaan Cabdi Warsame = Xoghaye guud Nimca Xasan Cabdi =
Kaaliye Xuseen Xaaji Jaabiri =
Xiriiriye Farxiya Khayre =Kaaliye
Ugu dambeyntii, xubnaha fulinta ee guddiga farsamo ee dib-u-eegista Xeerka Qabyada ah ee Warbaahinta Soomaaliyeed (XQWS), waxay yeesheen kulan gaar ah oo ay ku qaybsadeen waajibaadka shaqo ee loo igmaday, islamarkaana waxaa lugu ballamay in si deg-deg ah loo guda-galo hawlaha lugu qabyo-tirayo xeerka warbaahinta dalka.
Idale News Online, Muqdisho.