Wararka naga soo gaaraya magaalada Haregeysa ayaa sheegay in ciidamada booliska ay xaley xireen wasiir ku-xigeenkii hore ee amaanka maamulka Somaliland Cabdilaahi Abokor.
Mr. Abokor ayaa laga soo xiray gurrigiisa kaddib markii ay tageen ciidamo fara badan kuwaasoo khalkhal galiyay dadkii joogay guriga maadama ay kor u rideen rasaas xoogan.
Ciidamada ayaa markii dambe xoog ku galay guriga waxaana ay soo qabteen Cabdilaahi Abokor siddaas waxaa saxaafadda u sheegay dad goobjoogayaal ah.
Halkan Ka Dhageyso:
[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/20556.MP3|autostart=yes]Intii howgalka uu socday waxaa ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada wasiir ku xigeenka.
Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Cabdullaahi Abokor ayaa lo0 heestaa hadalo uu siiyay saxaafadda oo ah in xubno ka tirsan maamulka Somaliland ay xiriir la lee yihiin Al-Shabaab kuwaasoo uu sheegtay in ay sheegtaan macago badan sida Al-Shabab, Ikhwaan, islaax iyo Ictisaam.
Cabdulaahi Abokar ayaa xuray in khilaafka xisbiga Kulmiye ka jira ay iyagu abuureen si Somaliland fawdo u gasho, isla markaana ay xukunka ula wareegi lahaayeen.
Cabdillaahi Abokor ayaa dhawaan Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday, waxaanu warbaahinta u sheegay inuu bil kasta soo bandhigi doono arimo uu xog ogaal uu u yahay oo ay ku dhaqmaan koox wasiiro ahi.
Sidoo kale, wasiir ku xigeenkan hore waxaa la sheegay in uu la saftay garabka uu hoggaamiyo gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Xariga mas’uulkan ayaa ku soo aadaya iyadoo uu khilaaf xoogan uu ka dhex jiro xisbiga talada haye ee Kulmiye.
Idale News Online, Hargeysa.