Jeneraal Bashiir Goobe oo sheegay in sir doonka dowlada ay ka war heleen weerar lala maaganaa in lagu qaado xarumaha dowlada

0
167

Kooxda Al-shabaab ayaa laga heley xoogga ku aadan weerarro ay damacsan-yihiin inay Muqdisho ka fuliyaan,waxaana arrinta ka gaashantey hay’adda nabad-sugida dalka,sida waxaa sheegay taliyaha hay’adda nabad-sugidda qaranka Soomaaliyeed.

bashirGoobe

Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) oo ah taliyaha hay’adda nabad-sugidda ayaa shaaca ka qaadey inay wardoonkoda ka warheleen qorshaal ay Al-shabaab ku doonayan qaraxyo inay ka fuliyaan marka la galo bisha barakeysan ee Ramadaan Muqdisho.

Taliyuhu waxaa uu sheegay inay isku diyaariyen ka hortaga weerarrada qaraxyada u badan ee ay Al-shabaab doonayan inay ka fuliyaan magaalada caasumada ah ee Muqdisho,waxuuna inta ku darey in dhawaan ay Muqdisho soo gelin doonaan ciidammo ka hortaga weerarradaas.

..”‘”Sirdoonka Qaran waxaa ay ka warhelen xogo ku saabsan inay Al-shabaab waddo qorshe ay ku doonayso inay Ramadaanka qaraxyo kaga geysato Muqdisho si ay ummadda Soomaaliyeed u seejiyaan soonka iyo cibaadada, innaguna aad ayaan ugu diyaar-garownay arrintaas,..””ayuu yiri taliyaha hay’adda nabadsugidda Qaranka.

Ciidamo gaar ahaa ayaa la sheegay in la howlgalin doonno,waxaana ciimada ay yihiin kuwo loogu talagaley inay ka hortagaan weerarradaas si shacabka Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan cibaadadooda bisha barakeysan ee Ramadaan si wanaagsan u gutaan.

…””””Dhawaan waxaa soo galaya wiilal yar yar oo gurxamaya,waxaana ay ka hor-tagayaan weerarrada ay Al-shabaab ku doonayan inay cibaadada ku siijiyan umadda Soomaaliya,waxaan idin sheegena inan aad isugu diyaariney,illahay idin kiisana waan ka guuleysaneyna,..””ayuu yiri Jen.Goobbe.

Kooxda Al-shabaab marka la gaaro Ramadaanka waxaa ay inta badan iclaamiyan weerarro ay ku sheegan inay ku dagaallamayan,balse xilligaan hay’addaha ammaanka dalka waxaa lugu amrey qorsho looga hortagayo weerarrada ka imaanaya Al-shabaab.