Baydhabo(INO)-Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Aadan Xasan Maxamed(Usama) ayaa maanta ka warbixiyey waxqabadka Mudadii ay Jirtey Wasaaradiisa.
Shir Jaraa’id oo Maanta uu ku qabtey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa ku sheegey in Wasaaradiisu uu qabsoomey waxyaabo badan oo uu ka mid yahay Sahan dhab ah oo wasaaradu ay ka ogaatey baahida Biyaha Ee Magaalada Baydhabo taasoo ay helaan Wakaaladda Biyaha Ee Warjanaay iyo Ceelasha Kale Ee Magaalada.
“ Markii la ii magacaawey waxaan xog iyo warbixin ka raadiney Wasaaradii ka soo shaqeeyey Biyaha iyo Macdanta Ee Dowladda Federalka Ee Soomaaliya iyo Hay’adihii ka shaqeynayey ka dib waxaan darsiney Baahida Biyaha Gobolka Bay gaar ahaan Magaalada Baydhabo, Waxa Qiimeyn lagu sameeyey arintaasi waxaan ogaaney in biyo yari ka jirto Magaalada Baydhabo iyo Degmada Buurhakaba” ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka oo hadalkiisa siito ayaa sheegey in biyo yarida soo wajaha mararka qaar magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ay sabab u tahay Midowga Wakaaladda Iyo Ceelasha, isla markaana waxaa uu tilmeemey in hadii balaarin laga sameyn lahaa ceelasha Biyaha aysan taasi dhici lahayn.
Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Biyaha Iyo Macdanta ayaa ka dhawaajiyey in wasaaradiisu maanta ay mareyso heer wanaagsan isla markaana dhawaan la furi doono xafiisyadda wasaaradda.
“ Waxaan dhihi karaa maanta weel wanaagsan ayey mareysaa Wasaaradu oo meel qofkii naga dambeeyo uu ka sii wadi karo, inta badan wasaaraduhu waxay ka hawlgali doonaan dhismooyin dhawaan looga dhisey oo ay ku yaallaan Bay Project, taasoo madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ku sheegey kulankii Gollaha wasiiradda ” ayuu yiri mar kale Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Ee KG Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa inta badan Xilliyadda Jiilaalka waxa soo foodsaarta Biyo la’aan ka dib markii ay guraan waraha iyo ceelasha biyaha, iyadoona Degmooyinka qaar ay u baahan yihiin Biyo galin iyo weliba qadista ceelasha Biyaha.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com