Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Baydhabo Oo Xilka Laga Qaadey

0
339

Baydhabo(INO)-Gollaha Garsoorka Maamulka Gobolka Bay, ayaa Xilka ka qaadis ku sameeyey Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Garsoore Sheekh Maxamed Aadan Jibriil.

kutub

Taliyaha Booliska Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Genera ibraahim Macalin Kutub iyo taliya saldhiga ee degmada Baydhabo Mukhtaar ayaa sida wajir ahi ay ugu sheegeen warbaahinta in Gudoomiyaha hore maxkamada Degmada Baydhabo Garsoore Sheekh Maxamed Aadan Jibriil  Xilka Laga qaadey bishii la soo dhaafey isla markaana waxii ka dameeyey 6th Septemper dacwadihii uu qaadey aysan ahayn kuwa aan sharciga ku fadhin.

Gudoomiyihii  Maxkamadda degmada Baydhabo waxaa xilka laga qaadey 6th September, waxaa loo bedeley Degmada Buurhakaba, gudoomiyaha Maxkamadda waxaa laga dhigay Garsoore Macalin Caliyow Osmaan Xuseen oo hada aysan joogi,dadka ku dhaqan Degmada Baydhabo waxaa u sheegeynaa in wixii ka dambeeyey 6th bishii sagaalaad, dacwadihii uu qaadey Gudoomiye Hore Maxkamda aysan Sharc ahayn”  waxaa sidaasi yari  taliyaha Saldhiga Degmada Baydhabo Mr. Mukhtaar.

Ugu dameyntii, gudoomiyaha Xilka laga qaadey ayaa lagu eedayey wax isda marin iyo arimo  kale waxaana hadda laga dhigey gorsooraha Maxkamadda Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here