Ceerigabo(INO)— Dabley Hubeysan ayaa shalay ku afduubatay meel 50-KM u jirta magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo uu ku jiro Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi.
Wararka ayaa sheegaya in dableyda afduubtaya ay geeyeen magaalada Badhan, iyadoo odayaal iyo waxgarad ay durbaba bilaabeen dadaalo lagu sii deynayo Mas’uuliyiinta la afduubtay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dableyda afduubtay Mas’uuliyiintan ay ka soo jeedaan dhinaca Maamulka Puntland, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fly ayaa sheegay in markii dambe la sii daayay Xildhibaanad Qamar Taleex oo ka tirsan Golaha deegaanka degmada Ceerigaabo iyo shan qof kale oo la mid ah ay ahaayeen darawalada labada gaari ee la afduubtay.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in wali dableyda ay afduub ku heystaan Guddoomiyihii doorashooyinka Gobolka Sanaag, waxaana uu rajo ka muujiyay dadaalada socda ee la doonayo in lagu soo daayo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka.
Ma ahan markii u horeysay ee la afduubto Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, iyadoo horay loo afduubtay odayaal, mas’uuliyiin iyo saraakiil, kuwaasoo markii dambe la sii daayay.
Idale News Online, Ceerigabo