Muqdisho(INO)-Iyadoo weli uu Baarlamaanka DF Soomaaliya uusan Ansixin Gollaha Wasiirada cusub ee Xukuumada Muqdisho ayaa waxaa Ku Soo wajahan magaalada Muqdisho Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska dlka Mudane Eng. Saalax Sheekh Cismaan Muuse.
Wasiir Eng. Saalax Sheekh Cismaan ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxda Dowlada Soomaaliya ay ka codsadeen inuu si Deg deg Ah kusoo galo Magaalada Muqdisho, isla markaana dhawaan la filayo in Baarlamanka La Horgeeyo Gollaha Wasiiradda Cusub ee CCC Sharma’arke uu soo dhisey.
Eng. Saalax Sh. Cismaan ayaa 27-kii Janaayo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumada Soomaaliya , isagoona inta badan u dhaqdhaaqi jirey Arimaha Bi’ni aadanimada iyo xaquuqul insaanka, Isla markaana door weyn ka qaatey soo shaaca bixinta siyaasada iyo Qadiyada dad weynaha koonfur Galbeed Soomaaliya, Tan iyo ay burburtey Dowladii dhexe ee soomaaliya.
Ugu Dambeyntii Dhawaan ayaa la filayaa in baarlamanka soomaaliya uu ansixiyo gollaha wasiiradda cusub oo u badan qurbo joog isla markaana hada uu wado RW Cumar cabdirashiid Wadatashyo ku aadan arintaasi,ayadoona Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ay ku sugan yihiin caasimada soomaaliya, kuwaasoo qiib ka qaadan doono toosinta Xildhibaanada weli saluugsan gollaha wasiiradda.
Idale News Online, Muqdisho.