Waajid(INO)-Maamulka degmada Waajid ee gobalka Bakool oo faah faahin ka bixinayay dagaal ay ciidamada Al-shabaab kula galeen degmadaasi ayaa sheegay in ay dileen sarkaal ka mid ah Al-shabaab.
Salaad Maxamed Ibraahim oo ka mid ah maamulka degmadaasi ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen halkaasi, islamarkaana ciidamada dowladda iska difaaceen.
“Nimankii nabad diidka ahaa ayaa nasoo weeraray waan iska caabinay, waxay isku dayeen in degmada Gudaha ay usoo galaan, laakiinse uma suurta gelin ayaga ayaan qasaare soo gaarsiinay” ayuu yiri Salaad Maxamed Ibraahim.
Dhanka kale waxa uu sheegay in ay dileen Sheekh Maxamed Salaad oo uu ku sheegay in uu ka mid ahaa saraakiisha sare sare ee Al-shabaab, islamarkaana ay aad u yaqaaneen shacabka ku dhaqan gobalka Bakool.
Dhanka Al-shabaab kama aanay waxa ka jira hadalkaan kasoo yeeray maamulka degmada Waajid ee ku aadan in laga dilay sarkaal sare oo iyaga ka mid ah.
Idale News Online, Waajid.