Wararkii Ugu dambeeyey Ee Wada Hadalada Madaxda Soomaalida Ee Muqdisho

0
209

Muqdisho(INO)-Wada hadalo qaatay ilaa xalay saqdii dhexe ayaa dhexmaray Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo Madaxda dowlad gobaleedyada qeybta ka ah dawladda Faderaalka, waxaana si gaar ah loogu soo qaaday xalay ilaa shalay galinkii dambe arrimaha khuseeya dhismaha Xukuumada cusub.

madaxda

Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud oo Qado sharaf usameeyey madaxda dawlad gobaleedyada ayaa si gaar ah uga hadlay ajendayaasha kulanka, wuxuuna tilmaamay in kulanka ugu horeeya yahay is wareysi iyo ka hadlida dhismaha Xukuumada cusub ee Soomaaliya.

Raysalwasaaraha Soomaaliya Omar Abdirashid oo dhib weyn ka haysto dhanka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa usheegay madaxda dawlad gobaleedyada ay keenaan Wasiirada ay udoorayaan boosaska ay ku leeyihiin golaha Xukuumada ee Soomaaliya.

Wada hadalo saacado badan qaatay ka dib ayaa manta la soo saarayaa warsaxaafadeed si gaar ah looga hadlayo dhismaha Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana ka mid noqon doona qodobadan qaarkood.

  • In loogu baaqo baarlamaanka Soomaaliya in ay gartaan danta Umada Soomaaliyeed, ayna eegaan waayaha adag ee dalka, lana meelmariyo Xukuumada cusub ee Raysalwasaaruhu dhisayo dhawaan.
  • In Beesha Caalamka loo sheego in ay Xukuumadan tahay mid qancin karta Shacuubta Soomaalida oo dhan ayna wax ka dhiseen Hogaamiyaasha Siyaasada gobalada oo dhan, isla markaasna ay uarkayaan mid waayaha adag ka gudbin karta Soomaaliya.
  • In Madaxweynaha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo baarlamanka saaxiibo wanaagsan ku leh in ay dhex galaan, oo ay codad uga raadiyaan Xukuumada Soomaaliya.

Qodobadan iyo kuwa kale ayaa ka mid noqon doona bayaanka soo bixi doona oo si gar ah ukhuseeya dhismaha Xukuumada cusub ee Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here