Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Ee Dowladda KGS Oo Kulan La Qaatey Culumaa’udiin Ahlu Sunna Ee Goboladda KGS

0
240

Baydhabo(INO)-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya  Sheekh Axmed Maxamed Cumar Barre ayaa Maanta Kulan la qaatey Culumaa’udiinta Ahlu Sunna Wal jameeca Ee Goboladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka hadleen Culumaa’udiin fara badan isla markaana xooga lagu saareyey sii loo soo nooleyn lahaa dhariiqooyinkii Suufiyadda isla markaana loo ogaan lahaa wax yaabaha lagu dhigo Maddarasooyinka Tajwiidka kala duwan ee yaallo Degaanada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna waxay diyaar u yihiin la shaqeynta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ciidamada KGS waa Ahlu Sunna,madaxweyne Shariif Xasan iyo gollahiisa wasiiradda waa Ahlu sunna, waxaan ka soo horjeedna fikirka Kooxda Al-shabaab oo adag oo Wahaabi ah” ayuu yiri mid ka mid culumaa’udiinka Ahlu sunna Waljameeca oo kulan ka Hadley.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Ee Dowladda KG Soomaaliya Sheekh Axmed Maxamed Cumar Barre ayaa sheegey in culumaa’idiinka Ahlu sunna Waljameeca Qiib weyn ay ka qaateen Faafinta Diinta islaamka Ee Mandhiqadda Geeska Afrika, isagoona ku dheeraday dhowrista iyo karaameynta qaar ka mid ah Culumadda dhariiqooyinka.

Culumada Ahlu sunna Waljameeca waa dhaf dhabarka Faafinta diinta Ee Soomaaliya , waxaa jirey dhariiqooy la yaqaaney oo hadda waxaa soo baxay dhowr oo ay mid yihiin Al-islaax, Al-itixaad, Takfiir IWM, Masaajidadii kor loogama qaado Bisinka, Waxa la faagey dhowr qabuurihii culumaa’idiinkii la siyaaran jirey waxaa ka mid ah sheikh Uweyn oo Biyooley ku duugnaa, Dadkii Faagey oo waxay soo qaateen lacago,dhibaatadaasi ayaa Soomaaliya ka jirto” ayuu yiri wasiirka Awqaafka iyo Diinta Ee KGS.

Ugu dambeyntii,Degaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay ka mid ahaan jireen meelaha dalka Soomaaliya dhariiqooyinka suufiyiinta ugu badan xilligii Dowladii dhexe ee soomaaliya, iydoona burburkii Dowladii dhexe ka dib  dadka Soomaaliyeed ay aad ugu kororey fahanka diinta Islaamaka isla markaana, waxa ay inta badan ay joojieen Siyaarida iyo Barakeysiga Qabuuraha, taasoo oo ah Shirki aad u weyn.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gma

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here