Baydhabo(INO)- Sanadahan dambe waxaa sii daciifayey marba markii ka sii dambeysa, fanka iyo suugaanta Ee Afka Maayga oo looga hadlo Goboladda Koonfurta Soomaaliya iyo Qiibo ka mid ah Waqooyi bari ee Dalka Kenya, taasoo loo sababeeynaayo arimo badan.
Abwaan Maxamed Xasan Osmaan (Caanjeex) oo ka mid ah Abwaanada Goboladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo isla markaana mudo badan ku soo dhex jirey fanka iyo suungaanta Afka Maayga ayaa sheegey in arintan ay sabab u tahay dhiiro galin la’aan ay haysato abwaaniinta,waxaana uu intaa ku darey in Dada ku Hadley Luuqa Maayga aysan is caawineynin marka loo eego soomaalida kale ee ku hadlaan Af-Maxaa.
“ Sababta Keentey in uu nuqsaamo fanka iyo Suunkaaga Afka Maayga waxa waaye, Abwaaniyiintii Ma haystaan Cid dhiiro galisa; ma jiro cid war u ahyso ahmiyadooda, waxaa jiro Gabayo iyo Heeso aan tireyey waxaa loo baahnaa in la aruuriyo oo keyd laga dhigo si bulshada dambe ay u canfacaan, anigu hadda waxaan wax ka dhigaa Jaamacadda Bay Luuqadda Maayga ayaa Dadka Baraa, waxaa la rabaa In la kaco oo la dhiira galiyo abwaaniinta KG Soomaaliya si Afkooda aysan u lumin Bulshadani” ayuu yiri abwaan Qaanjeex.
Sidoo kale Abwaan Canjeex ayaa ka digey sii socoshada Liidashadda Fanka Iyo Suugaanka Goboladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hadda uu ku jiro ,waxaa uu ugu baaqey bulshada degaanadani dal iyo dibadba inay u istaagaan dib u soo nooleynta Goboyada iyo Heesha Ee Afka Maayga.
Ugu dambeyntii, wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-galinta Bulshadda Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa leh doorka koowaad ee dhiira galinta Abwaanadda iyo dhisida hal abuuro ku tartama Goboyadda, Heesaha iyo welba Ciyaaraha Kala Duwan ee Hidaha iyo dhaqanka Ee Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com