Wasiirka Arrimaha Gudaha oo u gogol xaaraaya Safar Madaxweyne Xasan ku tago Kismaayo dhowaan

0
226

Warar aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya uu ku wajahanyahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose halkaas oo ay xilligaan kusii sugan yihiin wafdi heer wasiir ah oo uu hogaaminaayo Cabdi Kariim Guuleed, wasiirka arimaha gudaha ee dowlada Federalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay sheegayaan in socdaalka wafdiga wasiirada ah ee gaaray Kismaayo socdaalkooduba uu gogol xaar u ahaa safarka madaxweynaha oo aan si rasmi ah loo shaacin waqtiga uu ku aadanyahay.

Horay ayaa waxaa loo iclaamiyay in madaxweynaha Soomaaliya uu Kismaayo gaari doono kadib heshiiskii Addis Ababa ee ay wada galeen dowlada Soomaaliya iyo maamulka Juba ee saldhigiisu yahay Kimaayo.

Waxa ay noqoneysaa markii ugu horeysay ee madaxweynaha Soomaaliya uu gaaro Kismaayo hadii socdaalkiisu uu hir galo, waxaana wax badan safarkiisu ka bedeli doonaa siyaasadii dowlada ee bilooyin ka hor ay ka qabeen Kismaayo iyo deegaanada hoos taga.

Kismaayo waxaa horay looga soo celiyay wufuud Muqdisho laga diray iyada oo sidoo kale lagu xanibay wasiirro iyo saraakiil ciidan halka masuulyiin bandanna lagu xiray iyada oo arintaasi ay taban taabayeen ciidanka Kenya ee dalka ku jooga magaca AMISOM.

wasiirka-arimaha-gudaha

Idale News ONline